Kenya: “Guul baan ka gaarnay Hawlgalka Linda Boni ee ka dhanka ah Alshabaab”.

Agaasimaha Hawlgalka “Operation Linda Boni, James ole Serian ayaa hadalkaasi ku sheegay wareysi uu maanta siiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Eedeysanayaal badan oo lala xiriirinayo Alshabaab ku soo  qabteen Hawlgalkaasi oo ka kala socday Degmooyinka Laamu, Garissa, Hugho, Ijaara, Garsen, Boni Land, Kibaoni iyo Bar’goni.

Waxa uu intaasi ku daray inay 9 Saldhig Bolis oo cusub laga hirgeliyey Deegaanadaasi, si loo hubiyo inay Nabaddu ku soo laabato Gobalka W/bari.

Agaasimaha Hawlgalka “Operation Linda Boni, James ole Serian waxa uu sheegay inay sii wadayaan Hawlgalkaasi ilaa ay Alshabaab ka wada saarayaan Deegaanadda ay ka hawlgalaan ee gudaha Kenya.

Waxa uu tilmaamay tan iyo markii ay Hawlgalka bilaabeen bishii September ee sannadkii hore inay yaraadeen Weeraraddii ay  Alshabaab ku soo qaadi jireen gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hawlgalka Linda Boni oo bilowday 7 bilood ka hor, waxayn Ciiddanka Kenya ku raad-joogeen Saldhigyadda ay Alshabaab ku leeyihiin Dhulka Kaymaha ee Boni Forest.

boni22

BONI FOREST

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor