• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Kaftan Siyaasadeedka Taagan: Bakool Sare u ekaa Isbaaro Cusub

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 28, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guuxa Dadweynaha waxa maalmahan aad looga hadlayaa Maamulka looga dhawaaqay Waqooyiga Gobalka Bakool, iyadoo Maamulkaasi laga dhex dhisayo Degmooyin iyo Tuullooyin hoos taga Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia.

cafateria 000Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, markii aan fariistay waxaan eegay horteyda iyo hareerahayga, waxaan indhaha ka qaaday xubno ka doodaya Maamulka cusub ee dhowr maalmood ka hor Idaacadaha laga iclaamiyey in ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka iyo Siyaasiyiin kale yegleeleen Maamulka Bakool Sare oo ay hoos tagaan Labo Degmo iyo dhowr Tuullo.

Doodda waxay dhex maraysay dhowr Oday oo aan magacyadooda u kala bixinay Olol, Mooge, Ibrow, Colaad iyo Mideeye, waxayna sheekadooda u dhacday sidatan:-

Ibrow: Walee, Federaalka iyo Maamul-gobaleedka waxa uu keenay Jahwareer Siyaasadeed, waana fahmi la’ahay sida uu xaalku ku dambeyn doono.

Mooge:- Haa waa Tallaabo Wanaagsan, Maamul dadka Deegaanka doortaan waa inoo dan dhamaanteenna.

Olol: Dadka isku haybta ah waa inay iska war qabaan Min Raas Casayr ilaa Raas Kambooni, waa Isbahaysi loo baahan yahay.

Colaad: Maxaa inoo dan ah, ma in Tobankii Kiilmitir Maamul-gobaleed lagu sheegaa. Walee waxaan maqli jirey Heestii hooriskeedu ahaa: “Markaan ku lahaa Ugaasooy, Ujeedo Fog baan lahaa”.

Mideeye: Waa runtaa, oo Hoggaamiyayaasha waxay isku maleegayaan Isbaaro Siyaasadeed iyo in lagu kala haro Leexadda Siyaasadda ee hadba dhinac u liicaysa. Bakool Sare Waa Xeellad cusub oo wax lagu fashilinayo.

Ibrow: Waa dareensanahay in Ujeedo Dahsoon laga leeyahay, Madaxweynaha Bakool Sare waa hebel Mashruuc, Maamulkiisa waa Mashruuc ay maalgelinayaan Saaxiibadda Siyaasadda iyo Ehelnimadda madax-martay.

Mooge: Waa Runtiina, waa fiican tahay ha la dhiso Maamul-gobaleed, si loo qanciyo Siyaasiyiinta hadba Isbaaro cusub u dhiganayo Mustaqbalka Somalia.

Olol: Qancintu waa waxa Madaxweyne loogu doortay, waa in lagu taageeraa inuu Maamul ka dhistaan xitaa Deegaanadda looga tiro badan yahay Taageerayaashooda.

Colaad: War maxaa fiican, Xaalku waa wax bi’is iyo Ficiltan caynba-cayn ah, haddii ay Siyaasiyiinta maalgelisay Bakool Sare lahayn Ujeedo kale, maxay Goballadda ay Madaxda ka yihiin uga xaarxaari waayeen Degmooyin hoos taga Mashruuca lagu doonayo in lagu dhabar-jebiyo Maamulka K/galbeed.

Mideeye: Anigu waxaan is-leeyahay Bakool Bari waa Barnaamij Reer Bay iyo Bakool fidno looga dhex abuuri doono. Waxaase dhihi lahaa Caaqilnimo iyo Mas’uuliyanimo ma ah Madaxweyne Mashruuc lagu fulinayo  iyo Maamul-gobaleed aan mug lahayn.

Ibrow: Reer Bay iyo Bakool dhoohane ma aha, Maamulkoodana Miyir-laawe ma aha, Bakool Sarena waa Isbaaro wax lagu carqaladeynayo.

©Radio Dalsan 

Previous Post

The Federal Government of Somalia engages international legal counsel to support it in the development of a model Production Sharing Agreement

Next Post

SOMALIA: Journalists’ Union Applauds The Passage of Country’s Press Law by Somali Parliament

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Next Post

SOMALIA: Journalists' Union Applauds The Passage of Country's Press Law by Somali Parliament

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
  • Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00