Guddiga ka hortaga COVID-19 Jubbaland ayaa warbixin uu soo saaray maanta waxaa uu kaga hadlay guud ahaan sida ay tahay xaalada guud ee deegaanada Jubbaland iyo saameynta COVID-19.
Guddiga ka hortega Cudurka Coronavirus ee Jubbaland ayaa shaaciyay in 10 kii xaaladood ee ugu dambeysay ee loo qaaday Magaalada Muqdisho 3 kamid ah noqdeen kuwo laga helay xanuunka COVID-19, halka 5 kalena ay noqdeen kuwo laga waayay, waxaana wali baaris u dhiman tahay 2 kale.
Tirada guud ee dadka laga helay COVID-19 ee ku nool Jubbaland ee la xaqiijiyay ayaa noqonaysa 5 ruux waxaana xusid mudan in ay jireen labo ruux oo horraantii bishaan laga helay xanuunka.
Guddiga ayaa gabo-gobadii dadka kula dardaarmay in ay taxadar badan muujiyaan una dhaga nugladaan talooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirtu bixiso.