Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) ayaa shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay qabanayaan doorashada 16-ka Kursi ee degaan doorashada 2aad ee Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri: “Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo”.