Maamulka Jubbland ayaa ka hadlay war murtiyeedkii ay xalay soo saareen madaxdii ka qayb gashay shirkii Dhuusamareeb3 oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolkani Banaadir Cumar Filish.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqnaayeen shirka, iyadoo shirkaasi laga soo saaray war murtiyeed ayaa waxaa ka hadalay maamulka Jubland.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid aadan ayaa sheegay in ay kasoo tashan doonaan goโaanka lagu soo gaaray Dhuusamareeb, waxaa uu sheegay in Madaxda Maamulkaasi oo uu ugu horreeyo Maadxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ay si wada jir ah uga soo tashan doonaaan wixii ay ka dhihi lahaayeen war murtiyeedkaas.
Jubaland iyo Puntland ayaa ka maqnaa shirkaas, waxaana xusid mudan in tiro dhowr jeer ah codsiyo loo diray si ay shirka qayb uga noqdaan, waxaana ugu danbeyntii shirkaas laga soo saaray war murtiyeed, wali wax war rasmi ah kaam soo bixin labada maamul ee shirkaas ka maqnaa.