Waxaa Magaalada Dhuusamreeb ka socda qaban qaabada Xaflad la doonayo in lagu soo xiro shirkii Dhuusamreeb3 oo maal mahaan ka socday Magaalada dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug.
Xafladda oo si heer saraa loo soo agaasimay aya waxaa hadda ka socota waxaa ku sugan hoolka saxaafadda madaxa bannaan iyo qaar ka mid ah maadaxdii shirku u soo gaba-gaboobay, waxaan sidoo kale la filayaa in ay kasoo qayb galaan mas’uuliyiin kale.
Maadxweynaha dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo iyo Madaxda kale ay ka mid yihiin Maadxweynaha Koobfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hi-shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in ay xafladda ka hadlaan.
Shirkii Dhuusamreeb ayaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana shirkaas isku af gartay madaxdii ka qayb gashay, wallow ay Jubland iyo Puntland ka maqnaayeen.