Magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar waxay ka mid tahay Magaallooyinka ugu barwaaqadda badan Goballadda Somalia, waana magaallo haatan aad uga soo kabatay colaadihii sokeeye iyo barakicii baahsanaa.
Magaalladda Jowhar oo 90-KM u jirta magaalladda Muqdisho waa magaallo ku caan ah Marti-soorka, waxayna ahayd magaalladii marti-gelisay Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Kolonel C/llaahi Yuusuf.
Magaalladda waxay haatan isku diyaarinaysaa Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana magaalladda ka socda Dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu ballaarinayo Adeegyadda Asaasiga, waxaana ka socda Hawlo lagu dhisayo Dhismayaal casri ah, laguna kobcinayo Ganacsiga.
Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo kan magaalladda Jowhar waxay culayska saareen Horumarinta Bilicda, Nadaafadda iyo Ammaanka magaalladda Jowhar.
Xaqiiq ahaan, magaalladda Jowhar waxay u muuqataa mid xitaa marti-gelin karta Shirarka Caalamiga iyo Shirar Gobaleedka dalalka Geeska Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, magaalladda Jowhar waxaa haatan laga dareemayaa inay sare u kaceen qiimaha lagu kireysto Guryaha caadiga iyo Hoteelladda, waxaana suurto-gal inuu qiimaha guryaha sare u sii kici doono marka uu Shirku furmo iyo marka la gaaro Tartanka Murashixiinta Madaxtinimadda Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Taageerayaashooda Jibaysan.
Bal nala daawada Sawiradda uga dambeeyey ee laga soo qaado magaalladda Jowhar oo ah Jowharadii Qaranka:-
©Radio Dalsan
Sawir qaade: Cabdalla Coonka Yare