Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaaladda Mogadishu S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda.
Magacaabista Mudane Muungaab waxaa soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, balse waxaa laga war-sugayay ansixinta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Miudane Xasan Sheekh Maxamuud, balse Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyay.
Mudane Muungaab ayaa magaaladda Mogadishu xukumayay intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015, waxaana lagu bedelay Yuusuf xuseen Jimcaale.