Amaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka S/Guuto Cali Baashir Xaji Maxame, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubanaha Al Shaabab ka tirsan lagu xiray magaaladda Gaalkacyo.
Xubnaha la xiray ayaa waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay Siciid Cabdullaahi Abuukar Al Suudaan oo Al-Shabaab u qaabilsan Qaraxyada.
Sarkaalka ay sheegeen dowladda in ay gacanta ku dhigeen ayaan la ogeyn wadanka uu u dhashay, balse dowladda waxaa ay xaqiijisay in uu yahay Ajanabi
Dhinaca kale waxaa uu sheegay Amaanduulahu in howgallo gaar ah ay ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo labadeeda dhinac, ayna ku beegsanayaa Al Shabab.
Dhawaan ayeey aheed markii ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, la sheegay in ay ka bilaabeen Magaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, howgallo aad u balaaran.