Dacwad-oogayaasha Federalka ee dalkaasi ayaa dacwad ku soo oogTay Muwaadin Somali-Jarmal, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abshir Ahmed A. oo 28-jir ah.
Eedeysanaha ayaa shalay lagu soo oogay inuu sannadkii 2012-kii u soo socdaalay Somalia, kuna biiray Xarakadda Alshabaab, iyo inuu Tababar Milliteri soo qaatay, kana qeyb galay Dagaalladda ay Xarakadda Alshabaab kula jiraan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, waa sida ay Dacwad-oogayaasha sheegteen.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in bishii July ee sannadkan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Frankfurt, ee dalka Jarmalka xilli uu ka soo laabtay Booqasho uu ku yimid Somalia.
©Radio Dalsan