Saraakiisha Golaha Iimaamyadda iyo Sheekhyadda ee dalka Kenya ayaa xoog ku farageliyey sidii loo aasi lahaa maydka Tasniim Yacquub oo ka mid ahayd 3 Haween Somali oo la sheegay inay bishii September 11-dii weerareen Saldhigga Dhexe ee Boliska magaalladda Mombasa.
Ku-xigeenka Guddoomiyaha ee Golaha Imaamyadda Kenya, Sheekh Xasan Suleymaan ayaa u sheegay Wargeyska The Star inay sameeyeen Fraagelintaasi, iyadoo aysan Diinta Islaamka oggolayn in maydadka lagu hayo Qaboojiyaha Maydadka.
Salaadda Janaasaadda ee maydka Tasniim Yacquub ayaa salay lagula tukaday Masjidul-Khayaraad ee magaalladda Mombasa, ka hor inta aan maydka lagu aasin Qabuuraha Muslimiinta ee ku yaalla magaalladaasi.
Kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa shaki ka keenay qaabkii loo dilay Haweenkaasi, iyadoo aysan Boliska Kenya ilaa iyo haatan soo bandhigin caddaymo muujinaya inay Haweenkaasi weerareen Saldhigaas.
Boliska waxay sheegeen inay haweenkaasi xirnaayeen suunka loo adeegsado Falalka Is-qarxinta, balse taasi waxaa beeniyey Goobjoogayaasha iyo Ururka u dooda Xuquuqda Aadanaha Kenya ee HAKI AFRIKA.
Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dilay labo gabdhood oo Mataano ah, oo lagu kala magacaabi jirey Maymuuna Xuseen iyo Ramla Xuseen, kuwaasi oo la aasay bishii September 25-dii.
©Radio Dalsan