Jabuuti: Dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus

Telefishinka Dowladda Jabuuti ayaa ayaa sheegay in afar qof ee maanta laga heley Coronavirus dalka Jabuuti ay yihiin muwaadiniin reer Jabuuti ah oo ka soo laabtay Somaliland.

Sidoo kale Warka uu baahiyay Telefashinka Dowladda Jabuuti ayaa waxaa uu ku sheegay in dadkaas laga helay Coronavirus ay ka soo gudbeen xuduudka dhinaca dhulka ah oo ay wadaagaan Jabuuti iyo Soomaaliya.

Tiradda dadka laga helay Cudurka halisa ah ee Coronavirus ee dalka Jabuuti ayaa waxaa la sheegayaa inay gaartay 18 ruux oo lagu karantiilay Xarumo gooni ah oo loogu talagalay.

Cudurkaan saf-marka ah ee COVID-19 oo haatan kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka ayaa waxaa u geeriyooday in ka badan 30,000 oo Qof oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, halka kumanaan qof kalena uu soo ritay.

Comments
Loading...