Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay Garoowe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa fiidkii hore ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, kaasi oo jugtiista laga maqlay halkaas.

Qaraxaas ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in lagu weeraray gaari uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cadisalaan Xasan Xeri iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahina ayaa u sheegay in qaraxaas uu dhaawac Culus kasoo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, isla markaana  haatan xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla halkaas.

Sidoo kale waxaa isna dhaawac uu soo gaaray Taliyihii hore Booliska Nugaal Faarax Galan-gooli iyo dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacayay.

Ciidanka amniga Puntland ayaa xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano la xiriira qaraxaas.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadaas Qaraxaas Khasaraha geystay ee Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamuka Puntland, waxaana dadka deegaan ay yihiin kuwa hadal haaya qaraxa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media