Mahad Salaad oo Su’aallo ka keenay Sharciga uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo

Kadib markii Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa tallaabadas Su’aallo ka keenay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad salaad ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa uu horyaallay Mudo 10 bilood,isla markaana uusan kusoo celin labada Golle ee Baarlamaanka si wax looga badalo mana uusan saxiixin.

War qoraal oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Xildhibaan Mahad salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayuu uga hadlay arrintaasi,waxaana u qornaa sidan:

Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo 10 bilood ayuu barkanaa maxaa soo kordhay oo saxiixiisa maanta kusoo beegay?!

Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo.

Mudo 10 bilood ah ayaa Madaxweyne Farmaajo barkanaa sharcigaan, kumana soo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo mana saxiixin. Haddaba waxaa iswaydiin mudan:

  1. Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta kusoo beegay?
  2. Guddigaan malagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo?
  3. Madaxweynaha oo mudo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa?
Comments
Loading...