• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO: Doorashadda Madaxweynaha saamayn ma ku yeelan doontaa Musuqa iyo Faragelinta ka muuqatay Doorashadii Labada Aqal ee Barlamanka Cusub?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 1, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waa su’aal aad u adag marka loo eego xaalladaha isbedelka badan ee dib u dhigayo in lagu kala baxo Doorashadaasi oo lagu madalsanaa inay dhacdo shalay oo ay taariikhdu ahayd 30-ka bishii November ee sannadkan 2016-ka.

Waxaa weli aan la soo dhamaystirin xubnaha 275-xubnood ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda, inkastoo horey loo soo doortay 54-ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka, iyadoo Aqalkaasi ku cusub yahay Nolosha Golayaaasha Siyaasadeed ee Somalia.

Madaxweynaha haatan ee xilligiisu dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli si KMG u haya Xilkaasi, inkastoo uu Xilli-hawleedkiisu ku ekaa bishii August ee la soo dhaafay.

Xilli-kordhinta KMG ayaa waxay u tahay Naruuro iyo Rajo Siyaasadeed uu asaaska ugu dhigan karo in mar kale loo soo doorto Xilkaasi, inkastoo Doorashadda sannadkan ka yara adkaan doonto Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii ee lagu soo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilaa hadda ma cadda xilliga rasmiga ee la qabanayo Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ay ku baratami doonaan 18-ka Musharaxm kuwaasi oo mid kasta oo ka mid ku naaloonayo inuu noqdo Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.

codeyntaWaa hubaal in Doorashadda Madaxtinimadda la qaban doono marka la soo dhamaystiro 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose Barlamaanka Federalka, laakiinse ma cadda in laga gudbi doono Isbaaraha Siyaasadeed ee ku hor xaniban dhamaystirka tirada  xubnaha ka dhiman Aqalka Hoose.

Weli waxaa qabyo ah xubnihii Maamulka Puntland ku lahaayeen Aqalka Hoose ee Barlamaanka, iyadoo uu Madaxweynaha Maamulkaasi, C/weli Maxamed Cali “ Gaas” ka laabtay go’aan uu horey ugu hakiyey Cod-bixintii ka socotay magaalladda Garowe.

Sidoo kale, Beelaha Reer Waqooyiga ayaan weli isku waafiqin Xubnaha Ergooyinka iyo Musharixiinta u taagan Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.

Xal-u-helida arrintaasi ayaa sii seeto-dheerayn karta  dhamaytirka Tirada ka dhiman Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda, waxayna dib-u-dhacaysaa horseedi doontaa inaan Korom loo heli doonin si loo soo doorto Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta ayaa iyagana ciyaarayo Xeellad Siyaasadeed xambaarsan Danaysi Kooxeed ama Beeleed, si loo caga-jiido Nidaamka Doorashadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Somalia haatan ku jirto Xilli Kala-guur habacsanaan leh, lamana hayo Fursad  Jadwal Doorasho oo lagu soo doorto Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal, Avvocate Omar Mohamed Abdulle waxa uu ka shanqariyey in haatan laga hayo Kooramka tiradda guud ee Barlamaanka cusub ee Somalia, taasi oo soo fudueyn karta in Doorashadda Madaxweynaha qabsoonto ka hor bartamaha bishan December.

Inkastoo la shaaciyey inay ilaa iyo haatan soo baxeen 186 Xilddhibaan oo ka mid ah 275-ka Xildhibaan ee Barlamaanka cusub ayaa waxa hubaal ah inay maalmo iyo Toddobaadyo qaadan doonto sidii hal madal la isugu keeni lahaa Xildhibaanadda Cusub ee ku kala firirsan Maamul-gobaleedyadda.

Si kastaba ha ahaatee, Caga-jiidka, musuqa iyo Awood-sheegashadda ragaadisay Doorashooyinka Laba Aqal ee Barlamaanka waxaa laga dhaxlay Khibrad-xumo iyo Dacwado inta badan ka taagan Kuraastii lagu tartamay.

Qoondadii Haweenka ee 30% ee ay ku heshiisyeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran ayaa la kala feentay, iyadoo qaar ka mid ah Madaxda ku lug leeyihiin cabashadda Faragelinta iyo Awood-sheegashadda lagu meelmariyey Codbixintaasi.

©Radio Dalsan

Previous Post

Guddoomiyaha Degmadda Jalalaqsi oo lagu dhaawacay duleedka Deegaanka Ceel-baraf.

Next Post

Jaalliyada Jufada Absuge ee UK oo ka digay faragelinta lagu hayo xubinta ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Next Post

Jaalliyada Jufada Absuge ee UK oo ka digay faragelinta lagu hayo xubinta ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Shirka dhammaystirka dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyada oo si weyn diiradda loo saarayo ajandayaal muhiim...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Nigeria ka dib...

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Mareykanku uu dalka Ukraine u diri doono gantaallada difaaca cirka ee...

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

by Liban
July 14, 2025
0

Lamu, Kenya – In a move aimed at deepening bilateral cooperation and supporting development in regions with a strong Somali presence,...

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora
English News

Somali Envoy Visits Kenya's Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”
English News

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
  • Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
  • Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00