• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Musharax Fadumo Dayib oo ka hartay Doorashadda Madaxtinimadda, eedeyna u jeedisay Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 1, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Fadumo Qaasim Dayib oo Somali haysata Dhalashadda Finnish ee dalka Finland waxay hadalkaasi ku sheegtay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka.

Musharaxadda oo Wargeyskaasi kula hadashay Via Skype iyadoo ku sugan magaalladda Nairobi waxay tilmaamtay inay Go’aankaasi qaadatay isbuucan, kadib, markii ay Guddiga Doorashadda Federalka markii 3-aad ku dhawaaqeen inay dib u dhacday Doorashadda Madaxweynenimadda oo la filayey inay qabsoonto shalay oo ay Taariikhdu ahayd November 30-da.

Waxay sheegtay inaysan mar kale u tartami doonin Xilka Madaxweynaha,  waxayna Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 ku tilmaamtay sidii Nidaamka Midbtakoorka oo kale (Apartheid system).

“Waxaan u malaynaa inaan u tartami doonin, uma ordayo waayo waxaan ka argagaxaa Heerka uu gaarsiisan yahay Musuqa. Dhamaan wa wax niyad-jab ah, mana doonayo inaan Sharciyeeyo wax xun in loo tartamo” ayey tiri Fadumo Qaasim Dayib oo inta badan jecel inay la hadasho Warbaahinta Caalamka, gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka.

fadumo-qaasimFadumo Qaasim Dayib oo ah Haweeneyda keliya ee ka mid ahayd 18-ka Musharax ee u tagaan Madaxtinimadda Somalia waxay dib-u-dhaca Doorashadda Madaxtinimadda ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo sheegtay inuu mashquul ku noqday sidii uu Dhaqaalaha Dowladda ugu maalgelin lahaa  Ololihiisa Doorashadda.

“Si sharci-darro ah ayuu Xafiiska ku jooga waana inuu ka tagaa, waayo Xilligiisa waxa uu ka dhamaaday bishii September 10-dii ee la soo dhaafay” ayey tiri Fadumo Qaasim Dayib.

Waxay kaloo eedeyn kula dul-dhacday Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banana nee Doorashadda Dadban, Avvocate Omar Mohamed Abdulle oo ay sheegtay inuu yahay Saaxiibka Madaxweyne u xil-saaray inuu hago Hannaanka Doorashadda iyo in la guda-galo Nidaamka, waa sida ay hadalka u tiri.

Sidoo kale, waxay hadalo adag u adeegsatay Doorka Beesha Calaamka ku leeyihiin dadaalka Hawlaha Doorashadda Somalia.

“Waxaan rumeysanahay inay Beesha Caalamka ahayn sharci, waxay doonayaan inay Sharci ka dhigaan waxaan Sharci ahayn, taasina waa wax aan Dastuur ahayn” ayey ku sheegtay Wareysiga ay siisay Wargeyska The Washington Post.

Waxay intaasi ku dartay inay Beesha Caalamka ku dhaqmayaan Heerka Labaalaha (The double standards), waayo hal gacan waxay ku baaqaan Doorasho Xor oo Hufan iyo inay Somaliia noqoto Dimuqraadi, halka gacanta kale ku mashquulsan yihiin inay maalgeliyaan Nidaam Qadiimi ah oo aan la jaanqaadi Karin Qarnigan 21-aad.

Fadaumo Qaasim Dayib waxay kaloo Wareysigeeda ku xustay ina Lacagta Canshuurta ee Maraykanka in si mas’uuliyad-darro loogu isticmaalo gudaha Somalia, waa sida ay hadalka u tiri.

“Lacagaha Canshuuraha Maraykanka waxaa loo isticmaalayaa si aan mas’uuliyad lahayn gudaha Somalia. Waa taas sababta aan u dhahayo. Haddii ay tani tahay nooca Kaalmada Deeq-bixiyayaasha ee Reer Galbeedka doonayaan inay siiyaan Somalia” ayey tiri waxayna sii raacisay in ay jirin Hay’ad lagu maalgelin doono.

Wareysiga ay Fadumo Qaasim Dayib siisay Wargeyska The Washington Post waxay kaloo ku sheegatay in maalin kasta loo soo diro Fariimo loogu hanjabaayo, inkastoo aysan soo bandhigin wax raad-raacyo u ah arrinkaasi, mana kala cadda inay ka leedahay Ujeedo Siyaasadeed iyo Beerlaxawsi kale.

Haweeneydaasi oo 44-jir ah waxay Somalia ka qaxday muddo haatan laga joogo 26-sanno, 14-jirkeedii ayey baratay sida wax loo qoro,waxayna Shahaadada Master’s degree ka qaadatay Jaamacadda Harvard.

Waxayna la soo shaqeysay QM iyo Hay’adda UNICEF.

Xigasho: The Washington Post

 

 

Previous Post

Jaalliyada Jufada Absuge ee UK oo ka digay faragelinta lagu hayo xubinta ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Next Post

Dhageyso:Khudbad Drs,Mina Xasan shibis ay jeedisay Doorasha deedi kadib.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Next Post

Dhageyso:Khudbad Drs,Mina Xasan shibis ay jeedisay Doorasha deedi kadib.

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00