Is-faham hordhac ah oo laga gaaray xiisad ka taagneyd degaano ka tirsan Puntland

Wararka aan ka heleyno deegaanada Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ee Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas is-faham hordhac ah looga gaaray xiisad dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay deegaanada.

Rag maleeshiyo beeleed ah oo isku hordhiya Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ayaa lagu heshiiyay in la kala qaado maalinta berri oo Axad, isla markaana heshiis laga gaaro Colaada oo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Guddi ka kooban labada dhinac ee maleeshiyo beeleedka oo waday waan-waan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro dagaaladii dhacday, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed oo lagu soo afjarayo is qab-qabsida ka jiray Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye.

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa maalmo kahor ku baxay xiisada ka jirtay deegaanadaas oo kala dhex galay labada dhinac, iyagoona lagu wado in heshiis rasmi ah kala dhex dhigaan beelaha.

Si kastaba dagaaladii ka dhacay deegaanka Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana markii hore uu salka ku haayay dhul-daaqsimeedyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor