Wargeyska ku hadla Xisbiga Shuuciga ee haya Talada dalkaasi ayaa qoray in 117 Tahriibayaal ah lagu soo celiyey Kuuba, kuwaasi oo la soo saaray Diyaarado iyo Doonyo.
Tallabadaasi ayaa meesha ka saartay Heshiiskii ay Labada dowladood ku caadiyeynayeen Xiriirkooda, kaasi oo qeexayey in qof kasta oo Kuubaan ah ee taga Maraykanka si toos ah loo siiyo Deganaansho.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa kansal gareeyey Siyaasadda Khaaska ee Socdaalka dadka Kuubaanka maalmo ka hor inta uusan Xilka ku wareejinin Madaxweyne Donald Trump.
©Radio Dalsan