Sweden: Nin lagu tuhunsanaa dilkii Wiil yar oo Somali-British ahaa oo isna geeriyooday

Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Eedeysanihii maskaxda u ahaa dilka wiilkaasi uu geeeriyooday, xilli ay Boliska qarka u saarneeyeen inay soo xiraan, soona maxkamadeeyaan.

Eedeysanaha geeriyooday ayaa loo haystay  geeridii Wiilkaa yar ee la oran jirey Yuusuf C/waxiid Warsame, kaasi oo bishii Augsut 22-dii ee sannadkii hore u geeriyooday bam-gacmeed lagu weeraray dhismo ku yaalla magaaladda Gotehrnburg ee dalka Sweden.

Wiilka Yar oo 8 jir ahaa ayaa ka yimid magaalladda Brimingham ee dalka Britain, wuxuuna la joogay qaar ka mid ah Ehelkiisa oo ku sugan Sweden.

Boliska Sweden ayaa u sheegay Wargeyska  Aftonbladet   ee ka soo baxa Sweden ayaa sheegay inuu dilkaasi qeyb ka yahay weeraradda u dhexeeya Kooxo Gangestaro Somali oo iska soo horjeeda.

Waxay kaloo sheegeen in la aqoonsaday Eedeysanaha ugu weyn ee lagu xiriirinayo dilka wiilka yar.

Baaraha hoggaaminayey Kiiskaasi, Robert Karlsson  ayaa sheegay in Eedeysanaha uu Dhibane u noqday  Dembi rabshad ah, lana dilay ka hor intaysan gacanta ku dhigin.

Dacwad-baare kale oo lagu magacaabo Stina Lundqvist ayaasheegay inay hayaan caddaymo ka dhan ah Eedeysanaha la dilay oo aan magaciisa  la shaacinin, kaasi oo loo hayey caddaymo ku filan si loo soo xiro, loona soo maxkamadeeyo.

Dhinaca kale, cunuga yar ee la dlay, Yuusuf C/waxiid Warsame waxa uu ku dhashay magaalladda Birmingham, wuxuuna wax ka baran jirey  Dugsiga Mandela Primary School oo ku yaalla Degmadda Sparkhill ee dalka Britain.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media