Khilaafkii Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka oo xal laga gaaray

Maanta oo tallaabo ah ayaa waxaa xal buuxa laga gaaray khilaaf muddooyinkii dambe u dhexeeyay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda.

Kulankan lagu heshiisiiyay Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa kaalin la qaatay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka, waxaana kulanka inta uu socday xal buuxa looga gaaray khilaafyadii muddooyinkii dambe jiray.

Sidoo kale kulanka ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sidii ay wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Guddoonka labada Aqalka ee Baarlamaanka iyo sidii ay wadajir isaga kaashan lahaayeeen shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka loo hadlay sidii labada Aqal ee dalka u ansixin lahaayeen heshiiskii dhawaan Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay Muqdisho uga gaaareen Arrimaha Doorashada dalka ee dhammaandka sanadkaan 2020/2021.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sidoo kale la xaliyay is maandhaaf ka dhex jiray, kadib markii Cabdi Xaashi uu Farmaajo ku eedeeyay inuu meesha ka saaray kaalintii Dastuuriga aheyd ee Aqalka Sare ee dalka.

Heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka ayaa waxaa la filayaa in sabtida soo socota la horgeeyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay si wadajir ugu ansixiyaan heshiiskaas, isla markaana uu u dhaqan galo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media