QM ayaa xaqqiijisay inay Kumanaan qof oo Kenyan ah iska diiwaan geliyeen Xeradda Dhadhaab, lana siiyey Kaararka Aqoonsiga Qaxootinimadda.
Baaritaano ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha qaxootiga (UNHCR) ku samaysay Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xeradda Dhadhaan ayaa lagu ogaaday inay Dadkaasi ku dhex nool yihiin Xeradaasi, iyagoo isku diiwaan geliyey Qaxooti ahaam.
Dukumenti ay hay’adda UNHCR soo saartay ayaa lagu soo tiro koobay Dadkaasi Kenyanka sheegtay inay yihiin Qaxooti Soomaali ah.
“Wadar dhan 24 kun iyo lix boqol iyo konton iyo shan Kenyan ayaa Qaxooti ahaan isaga diiwaan geliyey Xeradda Dhaddhaab” ayaa lagu yiri Warbixinta ay UNHCR soo saartay.
Waxaa kaloo la sheegay in Afartan Kun iyo afar boqol iyo konton iyo afar ka mid ah dadkaaso ay Qaxooti ahaan labo jeer isku diiwaan geliyeen, iyagoo haysta Aqoonsiga Kabaandhaha Kenya.
Baaritaankaasi waxaa lagu xaqiijiyey Tiro-koon ay Hay’adda UNHCR soo saartay bishii July ee la soo dhaafay, taasi oo sheegtay in ilaa 42 kun oo Kenyan ah ay sheegasho been abuur ugu nool yihiin Xeradda Qaxootiga Dhadhaab.
Baaritaanka UNHCR waxaa lagu ogaaday in ilaa 40-kun oo Kenyan oo ku sugan Xeradda Dhadhaab aan dib loogu celin Karin Mashruuca ay Qaxootiga Soomaalida iskooda ugu laabanayaan dalkooda hooyo ee Somalia.
Taasi bedelkeeda waxaa dadkaasi lagu wareejinayaa Dowladda Kenya si ay Dib-u-dejin ugu samayso isla marka la xiro Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.
Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay inay bisha soo socoto ee November 30-da albaabadda loo laabi doono Xeradaasi oo ahayd Xeradda Qaxootiga ee ugu weyn Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla Caalamka