Faah faahin:-Qarax Ciidamada Puntland lagula eegtay duleedka Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka Magaalada Boosaaso uu qarax ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa puntland xili ay marayeen deegaanka galgala ee gobolka Bari,waxana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Dadka ku nool deegaanka Galgala ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay maqleen jugta qaraxa balse aysan weli faah afahin Karin khasaaraha ka soo gaaray ciidamada Puntland.

Masuuliyada qaraxaas ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo sheegay in ay ku dileen laba ka mid ah Ciidamada Puntland mid kalena ay dhaawaceen in kastoo qaraxaas aysan weli ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Puntland.

Bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayaan deegaanada Puntland,waxaana dhawaan ay aheyd markii ay weerareen Saldhiga Bartamaha ee Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media