Dad tiradooda lagu sheegay wax ka badan 100 ruux ayaa lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya.
Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo Coodanka Xoreynta Oromada.
Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka.
Xafiiska Abiy ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada.
Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”.
“Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.