Boliska Jarmalka oo adkeeyey Ammanka Xaruumaha Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Tallabadan aya timid, kadib, markii ay Kooxo neceb Islamka ay labo bambo ku qarxiyeen Masjid iyo Xarun ku yaalla magaalladda Deresden ee Bariga Jarmalka.

Cidna wax kuma noqonin qaraxa lala beegsaday Masjidka, iyadoo Iimamka iyo Qoyskiisa ku sugnaayeen qeybta ay ka deggan yihiin Dhismaha Masjidka.

Mxamed Demirbas oo ah Asaasaha Masjidka la weerary ayaa sheegay inay Mujtamaca Muslimiinta ku nool Jarmalka muddo dheer ka cabsi qabeen weeraro la xiriira Cunsuriyad iyo Islaam-nacayb.

Dhinca kale, Taliyaha Boliska ee magaalldda Deresden, Horest Keretshemar ayaa sheegay inay Boliska ilaalo ka qaban doonan 3 Masjid, Xarunta Bulshadda Muslimiinta iyo qol kale oo lagu tukado oo ku yaalla magaaladasi.

A woman walks past the sign of a mosque in Dresden, Germany on September 27, 2016, one day after an improvised bomb destroyed the entrance. REUTERS/Matthias Schumann

Police inspect the front of a mosque in Dresden, Germany on September 27, 2016, one day after an improvised bomb destroyed the entrance. REUTERS/Matthias Schumann

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor