Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa kaga dhawaaqay magaalladda Nairobi inay bixin doonaan Kaalmo dheeri ah oo dhan 146 million oo Dollar si loogu taageero Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xerada Dhadhaab ee W/bari Kenya iyo Dadka Dhibanayaasha u ah Abaaraha ee ku nool dalalka Somalia iyo Kenya.
59 million oo Dollar oo ka mid ah Kaalmadaasi cusub ayaa loo qorsheeyey Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) si loo badbaadiyo, loona taageero Qaxootiga ku sugan Xeryaha Kenya iyo in lagu taageero Qaxootiga iskooda u go’aansada inay dib ugu soo laabtaan dalka Somalia.
Sidoo kale, 87 million oo Dollar oo ka mid ah Kaalmadaas Lacageed ayaa la sheegay in taageero cunto iyo adeegyo kale oo la siinayo Qaxootiga iyo dadka ku macluulsan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia iyo gudaha dalka Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Kaalmadda Lacageed ee ay Dowladda Maraykanka ku taageeraan Hawlaha Samafalka ee dalalka Somalia iyo Kenya ayaa waxay sannadkan gaarayaan ku-dhawaad 265 million oo Dollar.
©Radio Dalsan