Maalin ka hor waxaa Wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hir-Shabeelle xilkii looga qaadey mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi,waxaana xilka qaadistaas ka soo horjeestay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii xilkii laga qaaday.
Guddoomiyihii degmada Jalalaqsi ee ka mid ahaa dadkii xilka laga qaaday Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistaas,waxa uuna sheegay in aan lagu wargelin,isla markaana uu ku arkay Baraha Bulshada.
“Majirto cid igu wargelisay in xilkii leyga qaaday laakin waxana ku arkay Facebook,xilka waa leyga qaadi karaa waxba igama halaabaayo waayo meeshii aan ku dhashay ee Jalalaqsi ayaan joogaa yuu sii raaciyey hadalkiisa.
Madaxda Sare ee Maamulka hir-Shabeelle weli dhankooda wax jawaab ah kama bixin warka ka soo baxay guddoomiyihii degmada Jalalaqsi,waxaana dadka xilka laga qaaday ku jirey ku xigeenada degmooyinka Jalalaqsi iyo Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyihii degmada Jalalaqsi.