Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa waxaa kulan xasaasi ah uu uga socdaa Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljameeca.
Kulanka ayaa sigaar ah waxaa uu uga socdaa Xarunta Ahlusunna ee Inji, isla markaana waxaa goobjoog ka ah Macalin Maxamuud Sh Xasan, Cabdirisaaq Alashcari iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug.
Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka diirada lagu saarayo soo xulista Baarlamaanka cusub ee Galmudug iyo Jadwalka ay maanta soo saareen Guddiga doorashada Galmudug oo ay magacaawday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan ku sugan dhuusamareeb.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka Sare ee Ahlusunna ay kulan la qaadan doonaan Guddiga Doorashada Galmudug ee uu soo Magacaabay Sheekh Shaakir, iyagoona kala hadli doona arrimo kala duwan.
Si kastaba kulanka Caawa u socda Hoggaanka Sare ee Ahlusunna ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maanta Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug ay sol saareen Jadwalka Guud ee hanaanka Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug.