Iyadoo Gelinkii dambe ee Maanta iyo Caawa roobab xoogan ay ka da’een Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka ayaa waxaa ka dhashay saameyn dhanka Waddooyinka ah.
Qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee ku yaalla Caasimada ayaa Caawa waxaa ku jira biyo badan oo ka hooray Roobkii da’ay, iyadoona ay aad u adeg tahay inay isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax ayaa sheegay inay wadaan gurmadka iyo u kuurgelidda xaaladda roobabkii da’ay.
“Waxaan ku jirnaa gurmadka iyo u kuurgelidda xaaladda roobabkii da’ay saacadihii ugu dambeeyay oo magaaada saameyn weyn ku yeeshay isu socodka iyo nolosha dadka danyarta ah” Ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray Tuulax “Waxaan ugu baaqayaa shacabka inuu qof walba uu ku sugnaado gurigiisa iyo goobta uu roobka ku qabsaday inta laga xaqiijinayo wadooyinka gaadiidku mari karo iyo isu socodka dadweynaha”.
Ugu dambeyntii Waaxda gurmadka deg dega ah ee dabdamiska dowlada Hoose Xamar iyo bulshada ku dhaqan Waaxda Yuusuf Alkowneen ee Degmada Boondhere ayaa Caawa ku guuleestay bad-baadinta laba ruux oo uu kusoo dumay dhismaha guri ay ku noolaayeen.