Telefishinka Dowladda Kuuba ayaa ka soo xigatay Madaxweynaha dalkaasi, Raul Kastaro oo ay walaalo ahaayeen Fidel Kastaro ayaa xaqiijiyey geerida Hoggaamiyahaasi oo 90-jir a, kaasi oo aan lagu arkin Fagaarayaasha, tan iyo bishii August oo uu noqday Bukaan-jiif.
.Hoggaamiye Fidel Kastaro waxa uu Talada dalkaasi qabsaday Sannadkii 1959-kii, wuxuuna talada dalkaasi hayey muddo 49-sanno.
Fidel Kastaro waxa caqabad ku ahaa 11-Madaxweyne oo soo maray dalka Maraykanka, waxayna Dowladda Maraykanka ku kharaj-gareysay lacag ka badan Hal Billion oo Dollar sidii lagu dili lahaa Hoggaamiyahaasi oo jaal dhow la lahaa dalkii Midowgii Soofiyeeti ee burburtay oo haatan loo yaqaano Raashiya.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Kuuba ee xilligan, Raul Kastaro oo xilka kala wareegay Walaalkiisa geeriyooday ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono sannadka 2018-ka, si ay Jiilka da’da yar ula wareegaan Talada dalkaasi.
©Radio Dalsan