Madaxa Urur-gobaleedka Galbeedka Afrika, Markel de Suuza ayaa sheegay inay Ciiddamadaasi diri doonaan haddii uusan Madaxweynaha laga guuleystay ee Gambia, Yaxye Jamaac ka ddegi waayo xilkaasi bisha soo socota.
Isagoo Suxxufiyiinta kula hadlay Caasimadda dalka Maali ee Bamako waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka dalka Senigaal hoggaamin doono Fargelintaasi, haddii uusan Madaxweynahaasi wareejin waayo Awoodda dalkaasi.
“Xilliga kama-dambaysta waa 19-ka bisha Janaayo, haddii uusan ka degin, waxaan haysanaa Ciiddan Heegan oo diyaar u ah inay fuliyaan Faragelintaasi” ayuu yiri Madaxa Urur-gobaleedka EKOWAS.
Madaxweynaha dalka Gambia, Yaxya Jaamac waxaa looga guuleystay Doorashadii bishan December 1-dii ka dhacday dalkaasi, balse waxaa uu diiday Natiijada, isagoo ku dhegan Xilka Madaxtinimadda oo uu hayey muddo 22-sanno ah.
©Radio Dalsan