Telefishinka Citizen ee dalka Kenya ayaa sheegay in 2 qof lagu dilay eerar ay Dagaalyahano Alshabaab saakayto ka geysteen Deegaanka Dagah ee Degmadda Tarbaj oo 630-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Nairobi,
Taliyaha Boliska Degmadda Tarbaj, Andrew Mwiti ayaa sheegay inay Dagaalyahano Alshabaab jidka u galeen dad ka tirsan Deegaanka, halkaasi lagu dilay 2 qof oo ka mid ah Shaqaale u shaqeeya Shirkad Dhismo oo uu fadhigeedu yahay Deegaanka Barbara.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab oo ku hubeysnaa qoryo iyo hub kale ay miino ku qarxiyeen Taawero Isgaarsiin oo ay lahaayeen Shirkadaha TELCO iyo SAFARICOM , waxayna taasi dhibaato u keentay inay inta badan dadka isticmaala Telefoon-gacmeedka ee Mobaylka.
Sidoo kale, Telefishinka Citizen ee dalka Kenya waxa uu sheegay in weerarka Alshabaab lagu gubay 2 gaari oo ay Boliska Kenya lahaayeen.
Waa weerarkii 3-aad ee wax ka yar hal bil gudaheeda ee ay Alshabaab ku burburiyaan Taawaradda Isgaarsiinta ee SAFARICOM.
©Radio Dalsan