Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Duqii Jowhar & mid cusub oo la magacaabay (Wareegto)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle Saalax Muudeey Cali oo xilkaas haayey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle ayaa xilkii looga qaaday Duqii Jowhar, isla markaana waxaa isla waregtada xilka Duqa cusub ee Magaalada Jowhar loogu magacaabay Maxamuud Xasan Barriise, kaasi oo bedelaya Saalax Muudeey.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhammaan hay’addaha amniga iyo shacabka Gobolka Shabeellaha Dhexe faray inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee la magacaabay.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in sababta keentay magacaabista Duqa cusub ee Magaalada Jowhar ay tahay in baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha shaqo ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, iyadoona arrintaas latashi laga sameeyay.

Hoos ka Akhriso Waregtada magacaabista.


About Webmaster

View all posts by Webmaster