Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro sababay oo Maanta ka dhacay Afgooye

Qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana qaraxaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay uu ka dhacay goob ku taalla Suuqa qudaarta degmada Afgooye oo ay inta badan fariisan jireen Ciidamo ka tirsan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Canshuurta ka qaada Suuqa Afgooye ayaa ku geeriyooday qaraxii dhacay, halka laba qof kalena oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii looga cararay Xarun Caafimaad, si loogu daaweeyo.

Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay tegay, isla markaana muddo kooban hakad geliyay isku socodka Suuqa, kadibna furay waddo ay xireen, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka goobta ku sugnaa.

Si kastaba Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana muddooyinkii dambe degmadaasi kusoo badayey falalka amni darro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor