Fah faahin: Koox hubeysan oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafad ka tirsan Magaaladaas lagu dilay Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa Ciidanka ka howlgala Baladweyne.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro oo watay Bastoolad ay rasaas ku fureen Askariga ka tirsanaa Ciidanka dolwadda, xilli uu ku sugnaa xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne, waxaana  goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa sida cadaada aheyd mararka ay dhacaan dilalka tegay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada, isla markaana qaaday  Meydka Askariga la khaarijiyey, sidoo kalena waxaa la sheegay in la sameeyay howlgal aan wax natiijo kasoo bixin.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ay horey usoo qaateen qori AK-47 oo uu watay Askarigaas la toogtay, Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa horey loogu dilay Nabaddoono, Askar iyo xubno kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor