Hay’addaha Ammaanka ee Yuhuudda oo Kenya ka taageerayo La-dagaalanka Alshabaab.

Khubaro ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Yuhuudda ayaa ku usgan gudaha Kenya, si ay ciiddanka dalkaasi ula wadaagaan hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaab.
Saraakiishaasi oo ka kooban 10- qof ayaa la sheegay inay Talooyin siinayaan  Shirkadaha Dowladda iyo kuwa Gaarka loo leeyahay si looga hortago cabsida weeraradda ee Alshabaab.
Danjiraha Yuhuudda u jooga dalka Kenya, Yahel Vilan ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay Kenya iska kaashanayaan La-dagaalanka Alsshabaab iyo in xididida loo siibo waxa keenay cabsida Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.
Danjiraha waxa uu carrabka ku hduftay inay Kenya muhiim u tahay Yuhuudda, isla markaana ay wadaagi doonaan wax kasta oo lagu sugayo Ammaanka Qaranka Kenya, isla markaana ay ugu deeqi doonaan Teknoolajiyadda Sirdoonka iyo Ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor