Ciiddanka Khaaska ee Maamulka Galmudug ayaa Waaberigii hore ee shalay ku guuleystay inay xoog ku soo furtaan Haweeney Kenyan oo ay Burcad-baddeeda afduub u haysteen in ka badan 3 sanno.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Louis Njoki oo 41-jir ah ayaa waxaa lagu wareejiyey Maamulka Galmudug, si loogu duuliyo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Xiriiriyaha Badmaaxiinta Geeska Afrika, Andrew Mwangura ayaa sheegay in lagu guuleystay Hawlgalka lagu soo badbaadiyey Louis Njoki, isla markaana haatan lagu hayo Daaweyn.
Haweeneydaasi iyo Saaxiibkeeda oo lagu magacaabo James Kuria ayaa la afduubtay sannadkii 2014-kii, iyagoo Daawooyin keenay Somalia.
James Kuria waxaa lagu guuleystay inay Ciiddanka Ammaanka Galmudug ka soo furtaan Burcad-baddeeda bishii Feberaayo ee sannadkan.
Burcad-baddeeda ayaa sidoo kale la sheegay inay weli afduub u haystaan 2 nin oo Kenyan, kuwaasi oo sannadkii 2014-kii laga soo afduubtay magaalladda Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa weli la la’ yahay Labo nin oo Kenyan ah oo lagu kala magacaabo Patrick Amukhuma iyo Dr Murray Watson , kuwaasi oo la qafaashay saannadkii 2008-dii.
Bishan October 24-dii, waxay Burcad-baddeeda sii daayeen 26 Badmaaxiin Shisheeye, kadib, markii la bixiyey Lacago Madax-furasho ah.
Badmaaxiintaasi oo ka soo kala jeeday dalalka Shiinaha, Kamboodiya, Filibiin, Taywaan, Fiyetnaam iyo Indonesia ayaa waxaa la qafaashay bishii March ee sannadkii 2012-kii, iyagoo la socday Dooni Kalluumeysi oo lagu magacaabo FV NAHAAM 3.
©Radio Dalsan