Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in iska hor imaad qasaara dhaliyay uu halkaas ku dhexmaray laba musharax oo uu taagan kamid noqoshada Barlamaanka Federaalka Somalia ee ku matali doono K/galbeed.
Inta la xaqiijiyay Afar Ruux ayaa ku geeri yootay tira kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kuwaas oo badankood ahaa maleeshiyada labada dhinac.
Sida la xaqiijiyay Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan labo musharax oo lagu kala magacaabo Bashiir Mohamed Aadan “Xabashoow” Iyo Raabico Sheekh Nuuroow.
Xaalada magaalada ayaa dagan inkastoo weli xiisada aan xal laga gaaran waxaana magaalada gudaheeda ku sugan ciidamada Amniga ee K/galbeed.