Milliteriga Kenya ayaa sheegtay inay 140 Dagaalyahano Alshabaab ku dileen Iska horimaad isbuucii hore ka dhacay Degmadda Afmadow ee Gobalka J/hoose, waa sida ay iyagu hadalka u dhigeen.
Ma jiraan Warar Madax-bannaan oo xaqiijinaya Sheegashadda Askarta Kenya.
Wargeyska The Star oo soo xigtay Hadalka ka soo baxay Ciiddanka dalkaasi ayaa qoray in dagaalkaasi uu socday muddo 3 saacadood, ka hor intaysan Dagaalamayaasha Alshabaab dib u guranin.
Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay Ciiddanka Jubbaland ka qeyb galeen dagaalka ay Askarta Kenya la galeen Dagaalamayaasha Alshabaab.
Dhinaca kale, Duullaankii ay Alshabaab Toddobaadkii hore ku qaadeen Degmadda Afmadow ayaa la sheegay inay beegsadeen Saldhigga Boliska iyo Xarunta Maamulka ee Degmadaasi, waxayna ka qaateen gaadiid iyo hub, sida ay Warbaahinta Alshabaab shaaciyeen.
©Radio Dalsan