• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Gaar: Wasiir ka tirsan Dowladda Ingiriiska oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan

Bilan Media by Bilan Media
January 29, 2017
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan (Horumarinta Caalamiga) Rt Hon Priti Patel, oo wareysi  gaar ah siiday idaacadda Dalsan, ayaa waxaa ay kaga hadashay arimaha doorashooyinka iyo abaaraha hadda ka jira dalka Soomaaliya.

Patel, oo safarkeedii ugu horeyay ku timid Mogadishu, ayaa intii ay joogtay waxaa ay la kulantay Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, barafasoor Maxamed Osman Jawari, Xiriiriyaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clerq, hoggaanka AMISOM, hawlgalayaasha bani’aadamnimada iyo bulshada rayidka ah, si ay ugala hadasho  horumarka Soomaaliya si loo helo Soomaaliya oo xasilan isla markaana wax looga qabto caqabadaha bani’aadamnimada ee hadda jira.

Wariyaheena Hassan Istiila, oo wasiirka ku wareeystay gudaha safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, ayaa waxa ay sheegatay in Dowladda UK ay bixin doonto 10 milyan oo gini oo ah maalgelin bani’aadamnimo oo dheeraad ah si wax looga qabto baahida degdegga ah ee xaaladaha abaarta sii xumaanaya ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka UK u qaabilsan (Horumarinta Caalamiga) Priti Patel, waxaa ay sheegtay in taageeradaasi loo dhiibi doono iyada oo loo marayo saddex hay’adood ee Qaramada Midoobay (WFP, UNICEF, FAO) iyadoo loo isticmaali doono bixinta haqab-beelka cuntada, taageeridda nafaqada iyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah. Waxaana la filayaa in ay wax weyn ka bedesho nolosha kuwa ay abaaruhu saameeyeen.

“Waxaa kaloo ay sheegatay in abaarta soomaaliya ka jirta in ay tahay mid aad qatar u ah, waxaana loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan in wax looga qabto”.

Mar wax laga weydiiyay haweenka kamid ah baarlamaanka cusub ee soomaaliya, ayaa waxaa ay sheegatay in ay aad u taageerayaan tirada dumarka soomaaliyeed eek amid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

“ Barlamaanka cusub ee soomaaliya waxaa ku jira tira badan oo dhalinyaro ah siiba dumar, aad baan u taageereynaa, talaabadasi  xaqiiqdii waa wax aad u wanaagsan, tiradaasi dhalinyarada ah waxaa ay sii xaqiijineysaa hormarka soomaaliya”.

Wasiirka UK u qaabilsan (Horumarinta Caalamiga) Priti Patel, oo wax laga weydiiyay 29 mudane ee ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee heysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ay sheegatay in ay taasi ay tahay hormar aad u wanaagsan ayna xaqiijineyso xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Boqortooyadda Ingiriiska.

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay tahay wadanka labaad ee ugu badan ee ay dhalashadooda heystaan xildhibaanada hadda loo doortay dalka Soomaaliya.

UK, ayaa waxaa sidoo kale ay ka mid tahay dalalka taageera ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoona bixiya mushaarka askar soomaaliya, mar wax laga weydiiyay arimaha ciidamadda dowlada soomaaliya ayaa waxaa ay ugu jawaabaty.

“Dalka Britain ayaa mudnaanta koowaad siinaya dhisidda Soomaaliya oo ammaan ah, xasilooni iyo barwaaqo ku nool, inkastoo horumar weyn la sameeyay hadana waxaa jira caqabado la taaban karo.

“Dalka Britain ayaa si wadajir ah beesha caalamka isagu yeeri doonta London si ay ugu heshiiyaan taageerada mustaqbalka Soomaaliya, taas oo ku jirta danaha UK.”

Rt Hon Priti Patel, ayaa waxaa loo Magacaabay Xoghayaha Britain ee arrimana Horrumarka Caalamiga, 14 bishii July ee sanadkii 2016, sidoo kalena waxaa loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska sanadii 2010.

Petel, ka hor inta aysan soo galin siyaasadda ayaa waxaa raisul’wasaaraha dalka Ingiriiska uu u Magacaabay markii ugu horeysay taariiqda “ UK Indian Diaspora Champion” ka hor inta aysan noqon xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi, waxaana sidoo kale ay kasoo shaqeysay wadamada caalamka.

Priti, ayaa ah hooyo heysta laba wiil.

Previous Post

Haweeneydii keliya ee murashax Madaxweyne ahayd oo aan is-diiwaan gelinin iyo Is-diiwaan gelintii oo la soo xiray.

Next Post

Daawo: Radio Dalsan oo wareysatay wasiirka ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Daawo: Radio Dalsan oo wareysatay wasiirka ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00