Telefishinka dalka Kanada ee CTV ayaa sheegay inay 18 Muwaadiniin haysta dhalashadda dalkaasi inay ka mid ahaayeen 157-dii qof ee ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay duleedka magaalladda Addis Abeba.
Dadka haysta dhalashadda Kanada ee ku geeriyooday shilkaasi waxaa ka mid ah Hooyo Somali lagu magacaabi jirey Aamina Ibraahim Odawaa’ oo 33-jir ahayd iyo gabadheeda Safiya Faysal C/qaadir oo 5 jir ahayd.
Marxuumadda oo degganayd magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee dalka Kanada waxaa la sheegay inay iyada iyo gabdheeda yar ku sii jeedeen magaalladda Nairobi, si ay u soo booqdaan qaraabadeeda oo ku nool dalka Kenya.
Xubin ka tirsan Qoyskeeda ayaa u xaqiijiyey Telefishinka CBC News ee dalka Kanada inay Aamina Ibraahim Odawaa’ iyo gabadheeda Safiya C/qaadir ku geeriyoodeen shilkii Diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku burburtay duleedka Addis Abeba.
Maxamed Cali oo ay walaalo yihiin Marxuumadda ayaa sheegay in Walaashiisa iyo gabdhaeeda ay ka dhoofeen Toronyo, iyadoo Diyaaradii ay la socdeen ka degtay Garoonka Addis Abeba abaarihii 7-dii aroornimo ee shalay, wuxuuna qorshuhu ahaa inay u duulaan Nairobi hal saac iyo bar kadib.
Marxuumadda waxay ifka ka tegtay 2 gabdhood oo 3 jir iyo 7-jir ah, kuwaasi oo la jooga Ayeeydooda oo ku nool magaalladda Edmonton.
Xigasho:CBC News Canada