Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo aqoonsan lahaa Haweeneydii lahayd Shandad la sheegay inay ku jireen waxyaabaha qarxa oo ay 2 qof ku dhaawacmeen habeen hore.
Baarayaasha waxay si taxadar leh u eegayaan Muuqaalladda ay duubeen Kameerooyinka qarsoon ee Ammaanka (CCTV) ee ku xiran goobtii uu ka dhacay Qaraxaasi.
Gaari-gacanlihii waday Shandadaasi oo isaga ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa u sheegay Boliska in haweeneydii lahayd shandadaasi ay siisay lacag dhan 100 Shillinka Kenya si uu ugu qaado shandadaasi.
Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in Boliska baarayaan haraagii qaraxaasi tilmaameen inay tuhunsan yihiin in Telefoon Mobayl ah loo adeegsaday qaraxaasi.
Qaraxaasi waxa uu ahaa kii 2-aad ee bishan gudaheeda ka dhaca magaalladda Nairobi, iyadoo bishan 15-da ay Alshabaab weerar ku qaadeen Hotelka Dusit D2, halkaasi oo ay 21 qof ku geeriyootay.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Joosef Boynet waxa u uamar ku bixiyey inay Sharciga soo taagaan Gaarigii la arka inay la socdaan Muhaajiriin aan sharci lahayn ama uu wado Badeecadaha Kontorobaanka ah.