Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Talyaaniga kala hadlay Arrimo muhiim ah

Taliyaha ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhawaan gaaray Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga,isagoo halkaas ka wada kulamo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media