Dowladda Kanada waxay xaqiijisay in labo haween ooo haysta Dhalashadda dalkooda ay ku xiran yihiin Saldhigga Boliska Ibraahim Koodbuur ee magaalladda Hargeysa.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Caalamka ee dalkaasi, John Babkok waxa uu sheegay in Labadaas Haween la xiray bishi iJanaayo ee sannadkan, mana kala cadda sababaha ka dambeeya Xarigooda.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka war hayaan xariga Muwaadiniintaasi, isla markaana ay Qunsulliyadda Kanada ee magaalladda Nairobi la xiriireen Maamulka Somaliland, si loo ururiyo warbixino dheeraad oo ku aadan Xarigaas.
Afhayeenka waxa uu ka gaabsaday inuu Saxaafadda la wadaago magaacyadda labada haween ee Kanadiyaanka ee ku xiran Saldhigga Boliska ee Ibraahim Koodbuur ee magaalladda Hargeysa.
Dhinaca kale, Jason Jeremiyas o oah U-dhaqaaqe Xuquuqda Rayidka ee Hay’adda “Callled Price of Silence” oo markii ugu horreysay la xiriiray Wargeyska The Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Kanada waxa uu magacyadda Haweenkaas ku xiran Hargeysa ku kla sheegay Maymuum Cabdi iyo Kariima Wattis Cumar.
Wargeyska The Globe and Mail waxa u uqoray inaysan si madax bannaan u xaqiijin karin magacyadda haweenkaasi ku xiran Hargeysa.
Dhinaca kale, Haweeney Somali haysta Dhalashadda dalka Britain oo labadaas haween lala xiray bishii Janaayo ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in la sii daayey, mana kala cadda inay Dowladda Britain galangal u gashay qaabka loo sii daayey iyo in kale.