Guudlaawe oo kulan la yeeshay Xildhibaanada Soomaalida ee ku jira Barlamaanka Kenya

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magaalad Nairobi kulan kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed ee kamid ka ah Baarlamaanka dalka kenya.

Madaxweynaha ayaa xusay in si wanaagsan loogu soo dhoweeyay Magaaladaan howlihii muhiimka ahaa ee uu u yimid ay guul ugu soo dhamaadeen guul.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Xildhibaanada la wadaagay deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay iyo guulaha laga gaaray dagaaladii lala galay Al-Shabaab, isagoo adkeeyay in la dhameystirayo howlagalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay guud ahaan dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkaan waxa uuna bogaadiyay ganacsiga iyo horumarka muuqda oo ay sameeyeen dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Adan Keynan Weheliye, Xildhibaan Yussuf Hassan, Xildhibaan Yakub Adow, Xildhibaan Hussein weytan Abdirahman, Xildhibaan Mohamed Abdi Kheir Abdirahman, Xildhibaan Adan Haji  Major (RTD) Dekow, Xildhibaan Abdi Omar Shuriye, Balambala, Xildhibaan Abdi Ali  Abdi , Ijara, Xildhibaan Salah Yakub, Fafi iyo Masuuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor