Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble Siyaad waxa uu shalay soo saaray Wareegto uu Xilka kaga qaaday Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar “Daba-geed”.
Waxaana xilkaasi si KMG loogu magacaabay Cali Jeyte Cusmaan.
Go’aankaasi waxaa saluug ka muujiyey Guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan, Yuusuf Yuusuf Axmed Hagar, kaasi oo sheegay inuu Xil-ka-qaadista ka maqalay Idaacadaha, kana akhristay Websaytyadda.
Waxa uu intaasi ku daray inuu soo dhaweynayo Xilka laga qaaday, isagoo xusay inay Tallaabadaasi qeyb ka tahay Nidaamka Dowladnimo, lana shaqayn doono Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan.
“Madaxweynaha HirShabelle wuu iga qaadi karaa Xilka, balse waxaan dhihi karaa waa uu ku degegay” ayuu yiri Yuusuf Daba-geed oo intaasi ku daray inuusan Madaxweynaha HirShabelle weli yeelanin Xafiis Madaxtooyo, waa sida uu hadalka u yiri.
Xil-ka-qaadistaasi ayaa ku soo beegantay, iyadoo uu Maamulka HirShabelle doonayo inay wax ka qabtaan Xaalladda Ammaanka iyo Horumarinta ee Gobalka Hiiraan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble Siyaad oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Jowhar waxa uu magacaabay xubnaha Guddiga Ammaanka ee Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo kala ah:
- Sarreeye Guuto Cumar Aadan Dhabad,
- G/Sare Tawane Axmed Muxumad,
- G/Sare Isaaq Cali Cabdulle,
- G/Sare Axmed Cabdi Wehliye,
- G/Dhexe Cali Cabdi Mahadalle iyo
- Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.
©Radio Dalsan