Xilii ay Kumanaan Askar Ethiopian ah isaga huleeleen qeybo ka mid ah Somalia ayaa waxay Dowladda Ethiopia si rasmi ah ugu eedeysay Beesha Caalamka inay ka baxeen Ballanqaadyo ay horey ugu sheegeen inay ku taageerayaan Dhismaha iyo Tababarka Ciiddanka Qaranka Somalia.
Wasiirka Isgaarsiinta ee Ethiopia,. Getachew Reda ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC World, wuxuuna xusay inay Beesha Caalamka mas’uul ka yihiin Tababarka iyo in la taageero Ciiddanka Qaranka Somalia, balse aysan fulinin Ballan-qaadkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Somalia ku fashilmeen inay gutaan mas’uuliyadooda, maadaama aysan Beesha Caalamka ka helin wax taageero ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Isgaarsiinta ee Ethiopia,. Getachew Reda waxa uu beeniyey in Ciiddanka Ethiopia ee ka baxayo gudaha Somalia xiriir la leeyihiin Xaalladda Degdegga ee ay Dowladda Ethiopia ku dhawaaqday bilowgii bishan October.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Ciiddanka Ethiopia ee ka baxayo Somalia aysan qeyb ka ahayn Hawlgalka AMISOM, wuxuuna xusay inay Somalia ka taageeri doonaan qaab kasta oo loo buuxin karo meelaha ay marnaanshaha Ciiddan ka jiraan.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Kumaanaan Askar Ethiopian ah shalay isaga baxeen Degmadda Teyeglow ee Gobalka Bakool.
Horey Askarta Ethiopia waxay isaga baxeen Fariisimo ay ku lahaayeen Goballadda Hiiraan iyo Galgaduud ee Bartamaha Somalia, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab la wareegeen dhamaan Deegaanaddaasi.
Halkaan ka dhageyso.