Dikireeto aroornimadii sakaayto ka soo baxday Madaxtooyadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalkaasi,Muraad Jetinkaya shaqada laga cayriyey.
Dikireetadda oo lagu faafiyey Faafinta Rasmiga ee dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkaasi loo dhiibay Ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Muraad Uysal.
Lama shaacinin sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalkaasi, balse waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay jirtay inay hoos u dhacay Lacagta Liiraha Turkisha.
Dhinaca kale, Dowladda Turkiga waxay dib-u-eegis ku hayaan qorshe Bangiga dhexe loogu wareejin lahaa lacag dhan 46 Billion oo Liira,una dhiganta 8 Billion oo Dollar, si loo kordhiyo Miisaaniyadda dalkaasi.