Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ka bilowday Tartan cusub oo dhanka diyaaradaha ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ka bilowday tartan u dhexeeya Shirkadaha duulimaayada sameeya ee ka howlgala Somalia.
Sidoo kale Wasiir Oomaar ayaa waxaa uu tilmaamay in tartanka u dhexeeya Shirkadaha diyaaradaha ay qeyb ka yihiin Shirkado waaweyn sida Qatar Airways, Ethiopian Airlines iyo Turkis Airlines,kuwaasi oo sameeya duulimaadyo dalal kala duwan ah.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar in kaliya isbadalka qiimaha shirkadaha lagu raaco oo yimaado xiliyada safarka oo kaliya.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde haatan uu aad u fiican yahay,isla markaana ay ku qanacsan yihiin Shirkadaha duulimaayada sameeya ee yimaada Magaalada Muqdisho.