Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare BFS Cali Shacbaan Ibraahim ayaa Maanta xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.
Safiirka ayaa Guddoomiye Cali Shacbaan la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii Shacbaan xilkaas loo doortay.
Guddoomiyaha iyo Safiir Alberto Vecchi ayaa bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed.
Waxay sidoo kale wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada baarlamaan u yeelan lahaayeen xidhiidh wadashaqaynayd iyo isweydaarsi xirfadeed.