Boliska dalkaasi ayaa sheegay inuu nin hubeysan tacshiirad huwiyay Diplomaasi ka tirsan Qunsuliyadda Maraykanka ku leeyahay magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Guwadalajara.
Hadal ka soo baxay Xeer-ilaalinta Meksiko iyo Safaaradda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Qunsulkaasi laga toogtay Laabta, balse ay xaalladiisu deggan tahay.
Muuqaal Video oo la soo bandhigay ayaa muujinaya Ninka wax toogtay, kaasi oo u muuqday inuu sugayey ilaa uu Diplomaasiga gaariga kala soo baxayo Barxadda la dhigto Gaadiidka.
Dhinaca kale, Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Dembi-baarista e eFBI-da ayaa sheegtay inay bixinayso abaal-marin dhan 20-kun oo Dollar qofkuu keena Warbixin lagu aqoonsan karo ninka toogashada geystay.
©Radio Dalsan